Waxaa Degmada yaqshiid ayaa lagu qabtay tuugo Ama Burcad, dadka habeenkii ka dhacayay Taleefananada gacanta iyo agabyada kale.

Kooxo shabakad ah una soo qalab qaatay in dadka shacabka ah ay dhacaan ayaa ku badan degmada yaqshiid iyo degmooyinka kale ee gobolka Banaadir.
Ciidanka Booliska ayaa soo bandhigay raggaan, waxaana ay sheegeen in Sharciga la marsiin doono.
Dhalinyaradaan ayaa laamaha Amniga waxay soo qabten Xalay iyaga oo ku howlanaa dhaca taleefanada.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta sheegay in ku dhawaad 30 qof ay gacanta ku dhigeen kuwaasoo geysanayay falal Amni daro.