Post View....

Dowladda Soomaaliya oo cambareeysay weerar a geysteen Kooxda Xuutiyiinta Yemen.

0
146

Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa cambaareysay weerar dhanka Cirka ah oo Kooxda Xuutiyiinta ay ka geysteen meel ka mid ah Gudaha dalka Sacuudiga.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Kooxda Xuutiyiinta ay weerar argagaxiso ku qaadeen Magaalada Khamis Mushait, iyaga oo weerarkaas uuadeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada ay ku cabbeeyeen.

Sidoo kale Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay garab taagan tahay dowladda Sauudiga, isla markaana ay ka caawineyso ilaalinta amnigeda iyo badqablkjeeda dhuleed.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya waa kanaa:-

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa diyaarad aan duuliye lahayn oo miinaysan oo Maleeshiyaatka Xuutiyiinta ay ku ganeen maanta dhanka Magaalada Khamis Mushait iyo weerarka argagaxiso ee ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee qaraxyada ay ku cabbeeyeen ee ay ku beegsadeen Warshadda Sifeynta Batroolka ee Magaalada Riyadh shalay oo Jimce ahayd.

Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa in ay ku garab taagantahay Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso ilaalinta amnigeeda qaran iyo bedqabka dhulkeeda.

About Author