
Khasaaro isugu jira dhimahso iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dagaal koban oo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo xalay ku dhex-maray Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland iyo Maleeshiyaad hubeysan.
Dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu ka bilowday, kadib markii Ciidamada Booliska ay isku dayeen inay gacanta ku dhigan Maleeshiyaad hubeysan oo maandooriyaha khamriga ku iibinayay agagaarka Xerada kabidda ee waqooyiga Gaalkacyo.
Goobjoogayaal ayaa waxay sheegeen in dagaalkaas uu ku geeriyooday hal Ruux oo ka mid ah maleeshiyaadkii Khamriga iibinayay halka Afar kale oo Saddex ka mid ah yihiin Booliska ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo.
Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in Ciidamada Booliska Puntland ay weli howlgallo ka wadaan xaafadda dagaalka uu ka dhacay si gacanta loogu dhigo Kooxaha hubeysan ee iibinaya waxyaabaha maanka dooriya.
Dhowr jeer oo hore ayaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay iska hor-imaad u dhaxeeyay Ciidamada Amniga iyo Kooxo iibiya Maandooriyaha Khamriga, waxaana Puntland ay sheegtay in ay ka hortageyso Kooxahaas oo ka qeyb qaadanaya falalka amni darro ee ka dhaca Magaalada Gaalkacyo.