Gudoomiyaha Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa ku celisay hanjabaadeedii ahayd in ay joojin doonaan in dibada loo dhoofiyo talaalka AstraZeneca ee lagu sameeyo dalalka Midowga Yurub.

Waraysi ay siisay wargeys Jarmalka ka soo baxa ayay ku sheegay in fariinta ay u dirayso shirkadaas AstraZeneca ee talaalkaa samaysaa ay tahay in ay marka hore ka soo baxdo heshiiska ay la gashay dalalka Midowga inta aanay talaalka u iib geynin dalalka kale ee dibadda.

Urusula waxay sheegtay in ay shirkaddaasi dalalka Midowga soo gaadhiisay oo keliya saddex meeloodow meelka mid sagaashankii milyan ee irbadood ee ay shirkaddu kula heshiisay dalalkaas in ay afarta bilood ee ugu horeeya sannadkan u samayn doonto.

Warshadda soo saarta talaalkan AstraZeneca oo ku taal dalka Belgium ayaan soo saarin xaddigii la filayey. Mamnuucidda dhoofinta talaalkuna waxay ku xidhan tahay oo keliya go’aan dal qudha oo midowga ka tirsani gaadho.