Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa la kulmaya culeysyo siyaasadeed ka dib khubadii uu kaga hadlay arrimaha siyaasadda uu habeenkii Axadda Ahayd ka jeediyay magaalada Garowe.
Qaar ka mid ah shacabka iyo siyaasiyiinta puntland ayaa dhaliilay qaabka uu u hadlay madaxweyne DENI oo ahayd si mas’uuliyadda ka baxsan, waxayna sheegeen in uusan ku metalin siyaasadda.
Qaar ka mid ah shacabka ayaa si taban kaga falceliyay iyagoo ku tilmaamay khudbadaas mid u muuqata kicin dadweyne oo uu ku kacay madaxweynaha Puntland.
Wariyaal dad arrintaas ka horjeeda wareystay ayaa lagu xiray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Sidoo kale, shacabka Puntland ayaa hadda qorsheynaya banaanbax ay ku dhaliilayaan madaxweynaha Puntland kuna taageerayaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ciidanka amniga Puntland ayaa sheegay in aysan aqbaleyn banaanbax looga soo horjeedo maamulka,islamarkaana ay ka qaadayaan dadka banaanbaxa abaabulaya tallabao sharciga waafaqsan.