Boqolaal naxash ah ayaa ku daadatay xeebaha badda ku taalla waqooy galbeed Talyaaniga kadib markii Isniintii dhul go’ uu kala dhantaalay qubuuro 100 sano jiray.
Muuqaallo laa baahiyay ayaa muujinayaa shaqaalaha gurmadka deg degga ah oo baadigoobayo naxashyo lagu qiyaasay 200 oo ay qaadeen daadad ku dhuftay deegaanka Camogli oo u dhaw magaalada Genoa.
Sidoo kale biyaha waxay qaadeen labo macbad oo ay lahaayeen dadka kiristaanka ah oo ku yaallay agagaarka qabuuraha.
Guddoomiyaha degmada uu saameeyay dhul go’a ayaa warbaahinta u sheegay in’ masiibo aan la fileyn’ ay ku habsatay deegaanka.
Waxaa baraha bulshada lagu baahiyay naxashka oo dul sabeynayo biyaha.
#Camogli: questa mattina insulti al sindaco per non aver previsto il crollo. Erano state notate crepe profonde e si udivano rumori sinistri. Alcuni lavori erano stati già avviati ed erano presenti anche reti di protezione che però non sono state sufficienti. pic.twitter.com/jMg56Zba0V
— Babboleo News (@BabboleoNews) February 23, 2021
https://platform.twitter.com/widgets.js
“Burburka noocan ah ee maanta dhacay wey adkeyd in la ogaado ama lasii saadaaliyo” ayuu yiri Francesco Olivari oo ah duqa magaalada Camogli xilli uu la hadlayay warbaahinta CNN.
Shaqaalaha ayaa ku warramay in horraan ay arkeen dil-dilaaca buurta ku taalla deegaanka maalmo ka hor inta uusan dhicin dhul go’a, sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta dalkaas.
“Goobta ay wax ka dhaceen ayaa la xiray maadama laga cabsi qabo in dhul go’ kale uu ka dhaco” waxaa sidaas yiri Tino Revello oo ka tirsan dowladda hoose, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Talyaaniga ee Ansa.
Frana cimitero a #Camogli (GE), è ripresa in mattinata la ricerca e il recupero delle bare finite ieri in mare: #vigilidelfuoco impegnati nelle delicate operazioni con il nucleo #sommozzatori, gli specialisti nautici, il reparto volo e i dronisti #23febbraio pic.twitter.com/UfOOiy4YB0
— Vigili del Fuoco (@emergenzavvf) February 23, 2021
https://platform.twitter.com/widgets.js
Shaqaalaha dab damiska iyo ciidamada ilaalada xeebaha ayaa ka qeyb qaadanayaa howlaha lagu baadigoobayo naxashyada.
Ku dhawaad 10 kamid ah naxashyada ayaa la helay, sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan dowladda hoose.