Ciidanka Gor Gor oo aad u hubeysan ayaa la wareegay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kuwaas oo laga cabsi qabo in ay maalinta berito ah banaanbaxyo ay ka dhacaan.
Ciidanka ayaa wata gaadiidka dagaal gaar ahaan kuwa aan Xabadda Karin, waxayna gaaf wareegayaan xaafadaha qaar gaar ahaan xaafadaha degmada Wadajir, iyo qeybo kale oo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Sida wararka aan ku helnay xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho ayaa laga qaxay gaar ahaan xaafadaha ku dhow Daljirka Daahsoon iyo Madxatooyada Soomaaliya, maadama mucaaradka ay ku adkeysteen in banaanbaxa uu dhacao halka Dowladda Federaalka ay diiday.
Waxay indhahaaga qabanayaan Haween, Caruur iyo dad waayeel ah kuwaas oo cabsi dagaal darted uga qaxaya xaafadahooda.
Waxaa cabsi xooggan ka jirta in maalinta berito ah uu dagaal dhexmaro ciidanka midowga musharaxiinta iyo KUWA Dowladda Federaalka oo dadka dibadbaxa dhigaya ka hortagaya.