Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed, oo ka hadlay baaqa Madaxweeynihii hore Farmaajo ee ku aaddan in madaxda dowlad gobaleedyada Jubbaland iyo Puntland ay ku soo biiraan shirka wada tashiga ee Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in habdhaqanka Farmaajo uu yahay, Mid dhego iyo Indho la’aan ah Nabadana aan dan ka laheyn.
Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), ayaa afartii sano ee la soo dhaafay mucaarad ku ahaa Villa Somalia, isagoo ay aad u kala aragti duwanaayeen madaxweynaha muddadu ka dhammaatay ee Farmaajo.
Senator Abshir ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri “Marka la fiiriyo xadgudubyadii dhacay 19-kii Feberaayo 2021 & habdhaqanka madaxweynihii-hore Maxamed Farmaajo waxaa durbadiiba maankaaga ku soo dhacaya meerisyadii abwaan Gaarriye AUN ee ahaa:
“Dhego ma leh war kama dego
Indho ma leh wax lagu dayo
Nabaddana dan kama laha”.