Imaaraadka Carabta ayaa raadinaya fursad iyo qorshe gaar ah oo ay lacago sharcidaro ah ku soo geliyaan Soomaaliya, maadama Doorashada Soomaaliya hadda meel xasaasi ah mareyso.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dhowr jeer oo isku day ay sameysay Imaaraadka si lacag fara badan u soo geliso Soomaaliya ay ka fashilantay, taas oo ay ugu talagashay in lagu carqaladeeyo hanaanka doorashada Soomaaliya.
SIda xogta aan ku helnay, Imaaraadka Carabta ayaa saameyn ku leh Doorashada Soomaaliya, waxayna wadataa misharaxiin dhowr ah oo ay rabto in midkood uu ku soo baxo xilka ugu sareeya dalka.
Dowladda Federalka oo cilaaqaad wanaagsan la laheyn ayaa sanado ka hor Garoonka Aadan Cadde ku qabatay diyaarad ka timid Imaaraadka oo siday lacago fara badan kuwaas oo la doonayay in la soo geliyo gudaha dalka si arrimaha dalka loogu carqaladeeyo.
Imaaraadka Carabta ayaa saameyn ku lahayd siyaasadda Soomaaliya 28-kii sano ee u dambeeyay oo dalka dagaal sokeeye ku jiray.