Ugu yaraan 10 askari oo uu ku jiro taliyihii ciidamada nabad sugida ee caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdinuur Qooje ayaa ku dhintay qarax wadada dhinaceeda la dhigay oo qabsaday gaari Cabdi Bille ah oo ay la socdeen oo marayay meel u dhaxaysa deegaanka Ceeldheere iyo Dhuusamreeb ee gobolka Galgaduud, sida laga soo xigtay dad ku sugan Dhuusamreeb.
Al Shabaab ayaa sheegatay ma’suuliyadda qaraxa lagu dilay taliyaha iyo askarta la socotay
Indhawaalaba Dhuusamareeb iyo deegaannnada ku xeeran waxa ku soo noqnoqday weerarrada iyo qaraxyada Al-Shabaab.