Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka jawaabtay hadalkii madaxweyne Farmaajo uu shalay ka hor sheegay kulankii xildhibaanada golaha Shacabka, kaasi oo uu ku sheegay in heshiiskii doorashada ee 17-kii September lagu saxiixay magaalada Muqdisho uu soo qortay madaxweynaha Puntland.
Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde oo warbaahinta maanta la hadlay isagoo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha uu yahay “gef bareer ah”, isla markaana uu ugu gefay madaxda dowlad goboleedyada oo uu kamid yahay madaxweyne Deni.
“Hadalkaas waxa uu gaf ku yahay madaxweynayaasha maamul gobolleedyadii ka qayb-galay shirka” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Timacadde.