KHARTOUM:-Wasiirka Kheyraadka Biyaha dalka Suudan Yaasir Cabbaas ayaa sheegay in tallaabo kasta oo Itoobiya ay kaligeed u qaaddo in ay ku buuxiso mashruuceeda biya xireenka Niil uu halis ku yahay ammaanka Suudaan.
Wasiir Cabbaas ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay, in Suudan ay soo jeedinayso in door dhexdhaadin ah ay ku yeeshaan arrinka dalalka Mareykanka, Midwoga Yurub iyo Midowga Afrika
Dhwxdhexaadin lagu sameeyo arrinta ayuu sheegay ay meesha ka saari karto ismari waaga wadaxaajoodka ee la xiriira biya xireenka wabiga Niile ee u dhexeeya dalalka Itoobiya Suudaan iyo Masar.
Waxaa maalmihii dambe sii kordhayay xasaradda u dhexeysa Suudaan iyo Itoobiya la xiriirta muranka dhulbeereedka al-Fashaqa ee ku yaalla xuduudda ay wadaagaan labadaasi dal.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in mashruuca biyo xireenka uu muhiim u yahay horumarka dhaqaalaha dalkaas, iyadoo Masarna ay horay sheegtay in tallaabadaasi ay khatar weyn ku tahay 90% biyahaha ay cabaan oo uga yimaadda wabiga Nile.