Hadeey jirto in Dowladda Turkiga ay dooneeyso inay gogol nabadeed dhex dhigto Somalia iyo Kenya waa mid mudan in la soo dhaweeyo, sabata aan u leeyahay maxay tahay?
Sida aan ognahay Kenya waxay dooneeysay inay Soomaaliya kala wareegto badeeda oo ayku jiraan Saliid lagu qiyaasay 300 billion dollars, sidoo kale waxay siisay shirkado caalami ah shati ayku shaqo galaan ( oil exploration license) Marka shirkadahaasi ay arkeen in dhulka ay Kenya sheeganeeyso ay leedahay Soomaaliya, shirkadahii waxay qasab ku noqotay inay dib u codsadaan in lacagtoodi dib Kenya ugu celiso, tasoo Kenya aysan haynin lacagtaas.
Dacwada u dhaceeysa labada dal Ha dhamaato ama socoto, labada dalka Soomaaliya iyo Kenya waxay ku qasbanaan doonaan inay kawada hadlaan ceelasha ay wadaagaan labada dal ee ku yaala xuduuda sida ka muuqato maapka hoosta ku lifaaqan.
Waxaa jira oo aan la dafari Karin inay jiraan xirmooyid saliid oo labada dal wadaagaan kuwasoo kala ah: L 5, L 22, L 25, L 27, L 26.
Waxaa markasta lama huraab ah in laga hadlo sidii loo qaybsan lahaa dhaqaalaha ka soo xaroon doono saliidaas ama oil ka ceelasha la wadaago. Ma jirto Turkiga uga haboon oo dhigi lahayd gogol ayku wada hadlaan Somaliya iyo Kenya.
Taas micnaheedu ma aha inaan ka tanaasuleeyno hal taako dhulkeena ka mid ah, lakiin waxaa qasab ah in lagawada hadlo sidaan u qabsan lahayn waxa aan wada leenahay.
Wada hadal micnaheedu ma aha inaad ka heshiiseen waxa leesku haaysto ama aad ka tanaasushay danaha dalkaaga, diplomacy-da markasta lama xiro irdaha.
Sheiknor Abucar Qassim