War kasoo baxay Madaxtooyada DG Puntland ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiska wadajirka ah ay gaareen Midowga Mushirixiinta & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraalka Puntland ayaa lagu sheegay in heshiiskaan uu muujinayo in Dowladda Federaalka ay garawsatay mas’uuliyadda wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii Febaraayo 2021 oo ah in la weeraro hoggaanka Musharixiinta Hoteel ay degenaayeen & Dibadbax ay dhigayeen.
“DG Puntland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021, sidoo kalena waxay soo dhawaynaysaa in DFS ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Deni.
Warka kasoo baxay DG Puntland ayaa lasii raaciyay in Xukuumadda Federaalka laga sugayo dhammeystirka ka gudubka caqabadaha hortaagan Doorashooyinka Dalka si loo abuuro jawi xasiloon oo looga gudbi karo khilaafkaas.
“DG Puntland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah dhameystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray, si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar ogol ah, waafaqsanna heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dastuurka ku meel gaar ka ah” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay qoraalka DG Puntland.