Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xalay kulamo Muqdisho kula qaatay qaybo kala duwan oo katirsan Bulshada isaga oo kala hadlay xaaladda kala guurka ee dalka & doorka talo ay ka qaadan karaan.
Ujeeddada uu ka leeyahay kulamadani ayuu Maxamed Rooble ku sheegay sidii uu u dhageysan lahaa talooyinkooda si uu ugu biiriyo dedaallada kala duwan uu wado ee ku saabsan ka gudubka caqabadaha hortaagan hirgelinta heshiiska laga gaaray Doorashooyinka 17-ka September 2020.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta ayaa 48-dii saac ee lasoo dhaafay kulamo aan kala joog lahayn la lahaa qaybo kala duwan oo uu kala hadlay xaaladda dalka gaar ahaan qorshaha lagu gaari karo hirgelinta doorashooyinka oo waqti ahaan lasoo dhaafay xiligii loogu talagalay.
Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in kulamada uu wado Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda uu ugu gol-leeyahay sidii loo saldhigi lahaa xaaladda siyaasadeed ee Dalka.
Xukuumadda xil-gaarsiinta waxaa horyaalla ka gudubka caqabado dhowr ah oo ay ugu weyn tahay hirgelinta Doorashooyinka 17-ka September 2020 ay ku heshiiyeen Madaxda Federaalka, Dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir balse in marin waaga dhexdooda caqabad horleh beertay.
Ra’iisul Wasaare Maxamed ayaa kulamadaas ugu dan leh sidii uu waji cusub ugu sameyn lahaa damaca Xukuumaddiisa Xil-gaarsiinta ay ka leedahay arrmaha Doorashooyinka Dalka, maadaama ay damaanad qaaday balse dhaqangalkeeda caqabad abuurtay.
Maalin ka hor ayay ahayd, markii RW Rooble uu la kulmay midowga musharrixiinta oo si weyn uga soo hor-jeeda siyaasadda Villa Somalia ee arrimaha doorashooyinka dalka.