Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxay kulan ku leeyihiin Duhurnimadaan Xarunta Villa Hargeysa Ee Madaxtooyada ku dhex taalla.
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah Golaha Shacabka Ee Shirka fadhiya ayaa kashifay Rag Bistoolado wata in lasoo geliyey Xarunta ay ku shirayeen uuna la yaabay Arintaas waxa keenay.
Kudhawaad 100 Rag Bistoolado Wata ayuu Mahad Salaad Sheegay in Xarunta yimaadeen taas oo shaki badan abuurtay.
Dhar cadka Nabad Sugida ayey Raggaan katirsan yihiin sida uu sheegay Xildhibaan Mahad Salaad oo hadalkiisa intaas ku daray in Qorshe Fashilmay uu jiro.