Dadka soomaaliyeed looma sheegaayo,waa kuma axmed madoobe! Tan iyo intii uu maamul goboleedka jubland madaxa usareeya ka noqday ahmed madoobe,ma jiraan wax hormar ah oo uu gudaha jubaland kasameeyay oo la xusi karaa dhanka waxbarashada iyo dhaqaalaha. xaga nabad galayada sifiican ayuu u adkeeyay amaanka magaalada kismaanyo oo taa kama xaqirayno waa wanaag hayeeshee waa mid ku kooban kismaanyo halmagaalo oo kaliya. waxaad muuqada in uu ku qanacsanyahay dakataa lacagaha uu kahelo oo uu madaxweyne u yahay uun halmagaalo oo kaliya.halkii uu jubaland madaxweyne uuga ahaan lahaa.
Dhanka siyaasada ahmed wuxuu jubaland haystaa 13 sanadood sidii keed kabaxay meesha. waa dhigteeytar ma ogola in doorasho laqabto oo lala tartamo waligiisba.wuxuu ahaan lahaaba waxaa wadkiis galay markuu qabaan u noqday puntland oo uu ilaa 8 sano,talada jubaland laga gooyo puntland. wuxuuna ku milmay siyaada dagaal ee puntland ku diidantahay MOGDISHO dawlada fadaraalka ee kadhisan in ay hoostagto tiishariif iyo tii xasan sheekh iyo tan hada intaba. hadaba jubaland wuxuuba isu qaatay sidii in uu yahayba midkamid ah PUNTLAND. suaashu waxaa weeye maxaa keenay in danihii jubaland uu dayaco oo uu kashaqeeyo danaha puntland axmed madoobe?
Waxaad aragtaan in hada doorashooyinka socda,uu si foolxun oo aad u fashilan uu lasafanyahay puntland oo quudaraynaysa in ay doorashada sanadkan ku guulaystaan 2021,waxa uu baylaha ka dhigay oo sida danihii jubaland uu udayacay uu si lamid ah u lumiyay xiriirkii iyo xuquuqdii ay ku lahayd dawlada dhexe ee fadaraalka ee isagu hoosyimaad,halkii uu lashaqayn lahaa amarka iyo taladana uu ka qaadan lahaa dawlada dhexe wuxuu hoostagay maamul dhigiisa ah ee puntland.
Hadaba waxaa jira xiriir dhexmaray jifadiisa reer cabdulle iyo jifada maxamuud saleebaan,oo ah labada jifo xajistaan kursiga madaxweyne ee labadaa maamul goboleed sina caawiyaan,kolkaa haduu rabo axmed in uu siijoogo kursigaa jubaland waa in uu khibrada ka qaataa sida loo joogo kursiga puntland oo khibradaas leh in kabadan 20 sanadood taasoo uu aqbalay.hadaba ahmed waxay puntland uuga fadhidaa oo dani ku amray in uu keeno codka jubaland, waxa uu udiyaariyay ahmed codkii jubaland DANI laakiin dhibaa ku yimid ah in uu caqabad kala kulmay 16 cod oo gedo ah inta kale wuu u hayaa DANI waa diyaar, waxaa xusid mudan ahmed madoobe musharaxmaha nin kastoo jubaland wuu udiiday in uu is sharaxo,maxaayeelay codka waxaa leh Puntland oo sharaxan ama ku taageeraysa siyaasi mudulood ah si ay u helaan raysalwasaare oo halkaana heshiisbaayaala ah raysalwasaare in mudulood siiyo.
Laakiin ahmed madoobe xataa mahayo talo ah in uu codka jubaland kubadasho raysalwasaare reer cabdulle ah!! dhanka kale madaxweye farmaajo rajuu qabaa in uu soolaabto haday doorasho dalka ka dhacdo wuuna muuqataa in ninkastoo musharax ah oo kursi hawo ka qabaa in uu raad sado oo usuxul duubo sidii uu ku heli lahaa cod. hadaba nina naftiisuu wax urabaa nina tolbuu wax urabaa markay wax helaan si ay u caawiyaan isagana!! 16 kursi ee gedo nina isagaa raba nina ninkaluu urabaa qaraabo kiil. sidaa weeye muranka gedo ahmed waa khasab in uu keenaa 16 kursi ee gedo oo siiyaa DANI.
Gablantalo aduuneey maxay galaba heer joogtay shirkadhacay QARDHO oo ay ku kulmeen faroole iyo cabdiwali gaas iyo cumar cabdi rashiid iyo Dani 2021 ayaa lagu duugay qalinka in ay dhamaatay siyaasadii bilaabatay 8.2.2017 ee kuwajahnayd dawlada dhexe ee fadaraalka ah ee fadhigeedo yahay MOGDISHO,loona baahnayn hada waxay ugu yeereen “POLITICAL DONKY” dameer siyaasadeed oo ay ula jeedaan in ahmed madoobe uraraa iyaga,hadase ay muuqato in uusan keeni karayn 16 kaa cod ee gedo, hadaba waxaa la joogaa bay go aansadeen xiligii jubaland madoobe la dhaafin lahaa halkaas waxaa ku dhaamaday xiriirkii reer cabdulle iyo maxamuud saleebaan maxaayeelay baahi majirto sabab uu madaxweyne uuga sii ahaado jubaland majirto.
Yusuf Omar