Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa lagu daabacaay qoraal kooban loogu yeeray Mucaaradka Soomaaliya “qaswadayaal” doonayain ay burburiyaan nidaamka Dowlad-nada Soomaaliya.
Qoraalka lagu daabacay warbaahinta Dowladda ayaa lagu yiri “Sidee Dalka looga badbaadin karaa, dadka fawdada wada ee raba in mar kale uu ku laabto marxaladdii dawlad la’aanta iyo buburka.
Qoraalka ayaa shacabka Soomaaliyeed loogu yeeray in ay ka hortagaan waxa ay dowladdu ugu yeertay qaswadayaal doonaya in ay burburiyaan nidaamka Dowlad-nimadda Soomaaliya.
“ Door intee la eg ayay shacabka Soomaaliyeed ka qaadan karaan is hortaagga qas wadayaasha loona xoojin karaa dawladnimada oo dhismaheeda tacab badan loo soo maray” ayaa la raaciyay qoraalka warbaahinta Dowladda.
“Dhageyste aragtidaadu waa noo muhiim ee hoos noogu reeb wixii fekir ah ee aad qabto” ayaa qoraalka lagu soo gabagabeeyay.
6-dii October 2020, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in warbaahintii dowladda laga dhigay warbaahinta dadweyne oo si siman ugu adeegi doonta bulshada Soomaaliyeed, mucaarad iyo muxaafid.
Xildhibaan Maxamed Xayir Maareeye oo xiligaasi ahaa sii hayaha wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo ka qeybgalay munaasabad lagu qabtay wasaaradda, ayaa sheegay in warbaahinta dowladdu ay noqon doonto mid taladeeda hadda kadib wax ku yeeshaan bulshadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu xilligaasi tilmaamay in warbaahinta gaar ah ee dowlad goboleedyada, iyagana hadda kadib laga dhigay warbaahin dadweyne, ayna hoos iman doonaan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Xeerka saxaafadda ee dhawaan saxiixay madaxweyne Farmaajo qodobkiisa 32-aad ayaa dhigaya in adeegga warbaahinta bulshada ama dadweynuhu ka madax bannaan yahay danaha mas`uuliyiinta dowladda, faragelin siyaasadeed iyo shirkadaha ganacsiga iyagoo dhowraya shuruucda iyo anshaxa warbaahinta.
Xeerku wuxuu sidoo kale dhigayaa in warbaahinta dadweynahu ay noqoto mid dhexdhexaad ah, xorna ka ah u xaglin siyaasadeed isla markaana aan buunbuunin u samayn urur siyaasadeed, hay’adaha dawladda, dano ganacsi ama fikrad shakhsiyadeed taas oo haantan meesha ka baxday.
Warbaahinta dowladda ee SNTV, Radio Muqdisho, Wakaaladda wararka ee Sonna, Wargeyska Dalka iyo boggaga Internet-ka ayaa dhammaantood hada tabiya oo kaliya wararka iyo sheekooyinka xayaysiinta u ah Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya.
Hadaba halkee ku dambeeyay shircigii Saxaafadda ee uu madaxweynuhu saxiixay iyo dhexdhexaadnimadii warbaahinta Dowladda?