ALLAHA u Raxmadee, Xuseen Ibraahim Kamaal (Xuseen Dheere), ayaa 2:00pm ee Maanta lagu Toogtay Tuulada Njoli oo hoos tagta Magaalada Port Elizabeth ee Dalka Koonfur Afrika.
“Walaalkeen Xuseen Dheere, koox tuugo ahaa soo weerartay xilli uu alaab ka dejinayey Gaari Bakkie ah oo uu adeeg ugu keenay Dukaanka, waxayna xabadaha kaga dhufteen Wadnaha iyo qeybo kale oo qaarka kore ee jirka ah, islamarkiina naf dhulka lama dhicin wuuna dhintay, gaarigii iyo macal alaantiina way qaateen, balse dukaanka ma dhicin” ayuu yiri Shuceyb Aadan Maxamed oo ka mid ah ehelada Marxuumka la dilay, oo aan la hadlay goor dhow isagoo ku sugan goobta uu falku ka dhacay.
Marxuumka oo da’da Sodomeeyada ku jiray, ayaa safar u ahaa Dalkeenii Hooyo ee Somalia, oo uu qorshaynayey inuu maalmaha soo socda u safro, balse tashigiisa tii RABBI ayaa kasoo soka martay.
WD:Abdulrazak IndhaJaceyl