Sanca:-Waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka ayaa sheegtay in xukuumadda Washington ay ka noqonayso xanibaad ay horey saartay ururka hubeysan ee ka dagaalama dalka Yemen ee Ansarullahi.
War kasoo baxay waaxda arrimiha dibbadda Maraykanka ayaa lagu sheegay in laga laabanayo aqoonsi ururkaan horey loogu aqoonsaday urur argagixiso sababtana waxaa lagu sheegay in la doonayo in la gar gaaro dadka dhibaataysan ee Yemen.
Xukuumadii Donald Trump ayaa horey ururkaan oo taageero military ka hela dawlada Iran iyo ururka kale ee Xisbullaahi u aqoonsatay urur argagixiso taasoo keentay in hay’adaha samafalku tagi waayaan meelaha ay ka taliyaan.
Dalka Yemen Q,M waxay sheegtay inay u aqoonsantahay halka xaalada bini’aadanimo tan ugu darani xilligaan ka jirto adduunka oo dhan.