Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu faragelin ku hayo gobolka Gedo isla markaana uu doonayo in uu maamulo doorashada gobolkaas xilli uu shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb.
“Madaxweynaha wuxuu kusoo koobay in isku koobo sheegasho hal gobol iyo hal degmo oo Soomaaliya kamid ah oo degmo kamid ah gobolka Gedo kuraas ay taallo uu yiraahdo aniga uun baa tallinayaa”
Wuxuu dhanka kale sheegay in aysan suurtagal aheyn in madaxweynaha uu doorashada maamulo xilli uu wakhtigiisa sii dhamaanayo
“ Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday sidee buu Soomaaliya u xukumi karaa hadduu hal degmo sheegtay oo yiri annaa leh, anaa ka soo jeeda oo reerkeyga dega, anaa maamulaya oo doorashadeeda maamulaya, suurta gal miyay noqoneysaa Madaxweynuhu in Soomaaliyada kale oo dhan inuu isaga mas’uul ka noqdo oo yiraahdo anaa Madaxweyne ka ah, deegaan heerkaas la eg uu ku kooban yahay wax dhici kara maaha, waa Nasiib darro”
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe oo xalay xilli dambe weriyeyaasha kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dowladda federaalka ay tanaasul uga sameysay arrinta Gedo.
“Waxaa la soo jeediyay in doorashada ay maamulaan oo ay degmada Garbahaarey tagaan ciidamo boolis ah oo ka socda nabad-ilaalinta Amisom, taana waa ay diideen maamulka Jubbaland. Waxaa la soo jeediyay in guddi xaqiiqo raadin ah loo diro gobolka Gedo iyo Garbahaarey”.