Muqdisho:-Gudoomiyaha golaha shacabka Maxmed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta shir guddoominaya kulanka golaha ayaa xubnihii ka socday Aqalka Sare ku war-geliyey inay isaga baxaan hoolka, maadaama kulanka maanta uu u gaaryahay xildhibaanada golaha shacabka.
Guddoomiye Mursal ayaa sidoo kale sheegay sheegay in kulanka maanta uusan aheyn mid mudada loogu kordhinayo xildhibaanada iyo xukuumadda.
Maxmed Mursal ayaa xildhibaanada ka hor sheegay in kulanka hadda socda ajandahiisu uu yahay oo kaliya dhageysiga khudbadda madaxweyne Farmaajo, taas oo hadda socota.
Dhanka kale xildhibaanada aqalka sare ee diiday amarka gudoomiyahooda Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo qoraal uu soo saaray shalay ku sheegay in aysan helin wax codsi ah oo uga yimid madaxweynaha ayaa laga soo saaray kulanka maanta ee golaha shacabka.