Maanta ayaa qorsuhu yahay in Magaalada Muqdisho ay kulan wadajir ah ku yeeshaan Baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya si uu u hortago Madaxweyne Farmaajo, balse la sheegay in ay ku kala qeyb-sameen Xildhibaannada in kulanka uu qabsoomo.
Kulanka Baarlamaanka labada Aqal xilliga uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray waxaa ay ku beegneyd shalay oo jimco ah balse uu dib u dhacay sababo la xiriira in uu waqti dheeraad ah qaatay shirkii ka socday Magaalada Dhuusamareeb.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in aysan jirin kulan uu Aqalka sare ka codsaday Madaxweyne Farmaajo, sidaas daraadeedna aysan ka qeyb galeen.
Hayeeshee Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in shirka uu codsaday Madaxweyne Farmaajo ay ka qeyb-galayaan, isla markaana ay diyaar u yihiin.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa dhankooda sheegay inay nasiib darro tahay in xilligan uu Madaxwyene Farmaajo oo muddo xileedkiisa dhamaad uu yahay uu kulan ka codsado Baarlamaanka, halka qaarkood Xildhibaannada ay sheegeen inay kulanka ka qeyb-geli doonaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xildhibaannada u jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo xaalada dalka iyo doorashooyinka, halka warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in uu muddo kordhin ka codsan doono Baarlamaanka.