Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa si kulul uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo shirka Dhuusamareeb ay ku leeyihiin madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, isagoona sheegay in doorka beesha caalamka ee ku wajahan dalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in taageerada beesha caalamka ay door muuqda ku leedahay arrimaha dowlad dhisidda Soomaaliya, amniga iyo dib u dhiska dalka, wuxuuna tilmaamay in laga soo bilaabo shirarkii Carta, Mbghati mar kastaba ay hoggaamiyeyaasha Soomaalida ku cadaadineysay inay tanaasul muujiyaan isla markaana aanay ka beyrin si aanu dalka u gelin khalkhal siyaasadeed.
Prof. Samatar oo ka qeb galay dood laga sii daayay idaacadda BBC Somali ayaa sheegay isagu inuu rajeynayo mar walba in Soomaaliya uu u rajeynayo guul iyo is afgarad laga gaaro shirka Dhuusamareeb, isla markaana qodobada la isku hayo intooda badan is afgarad laga gaaray.
“Beesha caalamka ma aha inay firimbi u yeeriso marka madaxdeedu is qabtaan” ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in gacanta laga qabto cid kasta oo ku lug yeelata xasiloonida dalka.
Prof. Samatar ayaa sheegay inay jiraan qaladaad fara badan oo ay ku kacday Dowladda Federaalka, wuxuuna ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in dowladiisu ku guul darreysatay inay dalka ka qabato doorasho wadar ogol ah, isagoona tilmaamay eeda arrintaasi inay iyaguna qeyb ka yihiin madaxda maamul goboleedyada dalka.
Dhinaca kale Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ahaa guddigii doorashooyinka sanadkii 2017-ka ayaa sheegay in Baarlamaanka Federaalka uu qorsheynayo muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo isla markaana muddo cayiman ee Baarlamaanku meel mariyo ay ka shaqeyso sidii dalka uga dhici lahayd doorasho ay heshiis ku yihiin dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka.
Somaliweyn Medi Center
[email protected]
Muqdisho – Soomaaliya