Magaalada Dhuusamareeb waxaa xalay xili dambe kusoo idlaaday Shirkii ka socday ee u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada si ay xal uga gaaraan qodobada caqabadaha ku noqday qabsoomidda doorashooyinka lagu heshiiyay 17-kii September 2020.
Ka sheegashada xubnaha qaar ee ku jira Guddiyada loo gudbiyay Xukuumadda kana yimid dhanka Maamul Goboleedyada qaarkood, Ciidanka Dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo & cidda awoodda u leh maamulidda guddiyada Gobollada Waqooyi (Somaliland) waa qodobada muuqda ee aan xal laga gaarin balse ugu dambeyn lagu kala tagay.
Wasiirka Warfaafinta XFS Cismaan Abuukar Dubbe oo Warbaahinta la hadlay 3:00 AM (Sagaal-saac oo habeennimo) ayaa qiray in natiijo laga gaari waayay Shirkaas, waxaana uu dusha ka saaray mas’uuliyadda Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Dubbe ayaa ugu horeyn sheegay in Xukuumaddu ay diyaar u tahay in loosoo gudbiyo cabashada laga qabo xubnaha kahor imaanaya xeerka Guddiga ee shaqaalaha Dowladda ah xafiiskana uu u furan yahay waqti weliba.
Arrinta ugu badan ee buuqa dhalisay waa hab maamulka Doorashooyinka kuraasta Gobolka Gedo yaalla, maadaama maamul ahaan Jubbaland uu Gobolkaas hoos tago, isla markaana gacantooda uu ka maqan yahay.
“Waxaa lasoo jeediyay oo xukuumaddana aqbalay in marka hore dib u heshiisiin la sameeyo balse arrintaas may garwaaqsan Maamulka Jubbaland, waxaana lasoo jeediyay in ciidanka AMISOM la geeyo maamulka jubbaland wuu diiday, suuragal ma ahan in iyadoo dhawaan uu dagaal ka dhacay, horayna uu muran ka jiray doorashadii Jubbaland sidaas aan looga maarmin dib u heshiisiin” Wasiir Dubbe.
Wasiir Cismaan Abuukar Dubbe ayaa dhinaca kale muujiyay tuhun ku saabsan in gacmo shisheeye oo uusan sheegin dhanka ay jiraan ay faragelin ku hayaan Doorashooyinka dalka isla markaana ay diidan yihiin in si nabadgalyo ah dalka uga dhacdo sida uu hadalka u dhigay.
“Markii intaas la isla garan waayay ee la waayay meel looga gudbo waxaa la tuhmay in arrintu dhaafsiisan tahay inta inoo muuqata oo quwado shisheeye gadaal ka riixayaan in aysan Doorashadu u dhicin si nabadgalyo ah si aysan arrintaan ugu dhamaan si fudud” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.
Beesha Caalamka ayaa dedaal Xooggan gelisay sidii loo dhammeen lahaa caqabadaha laga gudbi waayay ee aan isu tanaasulka lahayn ee Madaxda Federalka & Dowlad Goboleedyada oo iyagu horay ugu heshiiyay qodobada ay dhaqangelin la’ yihiin.