Maxkamad ku taalla magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka ayaa xukun xabsi saddex sano iyo bar ah ku ridday, hoggaamiyaha mucaaridka dalkaas Alexei Navalny.
Maxkamadda ayaa sheegtay in Navalny uu ku xadgudbay xakun horay ugu dhacay oo farayay in uusan ka bixi karin Ruushka
Alexei Navalny ayaa sanadkii hore u baxay dalka Jarmalka, si looga soo daweeyo sumeyn Ruushka loogu geystay.
Navalny, oo ah shakhsiga ugu caansan dadka dhaliila siyaasadda hoggaamiyaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa xakunka ku dhacay ku tilmaamay iskuday aan macna ku fadhin oo uu Aqalka Kremlin-ka ku rabo in uu ku cabsigeliyo malaayiin Ruush ah, si ay ugu jilba-jabsadaan Putin.
Taageerayaasha Navalney ayaa waxyar kaddib markii uu dhacay xakunka maxkamadda isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn sida Moscow iyo St. Petersburg qaarkoodna ciidamada booliska ayaa xabsiga u taxaabay.
Dowladaha Mareykanka, Britain iyo Germany ayaa ugu baaqay Moscow, in ay si dag dah ah ay u sii dayso hoggaamiye Navalny.