Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka GalMudug waxaa ka socota qabanqaabada shirka madaxda dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo lagu wado in uu maanta si rasmi ah halkaasi uga furmo.
Shirkaan oo qorshuhu ahaa in uu furmo 1-dii bisha ayaa dib u dhacay sababo farsamo awgood.
Dowaladda Soomaaliya oo ka hadashay dib u dhaca shirka aya asheegtay in uu la xariiro madaxda maamullada Jubbalaan iyo Buntilaan oo ka soo dib dhacay xilligii loogu talagalay.
Shirka hoggaamiyeyaasha ku sugan Dhuusamareeb ayaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo is marin waaga ka taagan qabsoomida doorashooyinka.
Inta uu socdo Shirka ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saari doonaa xal u helida caqabadaha hortaagan doorashada oo ay ugu weyn tahay arrinta maamulka Jubbalaan, iyadoona la filayo in arrintaas iyo kuwo kalena xal laga gaaro.
Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb, kuwaasi oo ka qeyb galaya Shirka Maanta furmaya.
Sidoo kale waxaa habeenkii xalay kulamo gaar gaar ah yeeshay madaxda maamullada qaarkood, kuwaasi oo horduhac u ah Shirka wadatashiga ee looga hadlayo marxaladda dalka iyo doorashooyinka.