Madaxwaynaha Mareykanka Joe Biden ayaa qaaday tallaabadii ugu horreysay oo uu meesha uga saarayo qaar ka mid ah xeerarkii ka dhanka ahaa dadka soogalootiga ahaa ee uu soo saaray madaxeyne Trumo.
Mudane Biden ayaa saxiixay seddax amar madaxwayne oo uu ku doonayo in lagu mideeyo qoysaskii ay kala geeyeen xeerarkii adkaa ee muhaajiriinta looga soo horjeeday ee uu hirgaliyay maamulkii isaga ka horeeyay ee Trump.
Trump ayaa si uu uga hortago muhaajiriinta sharci darrada ah waxaa uu kala geeyay waalidiinta aan sida sharciga ah ku soo galin Mareykanka iyo caruurtooda markii ay ka soo gudbayeen xudduuda dalkaas uu la wadaago Mexico.
Amarka Biden ayaa amray dhismaha guddi gaar ah oo ka shaqeyn doona dib u mideynta carruur tiradooda lagu qiyaasay 600 ilaa 700 kuwaasi oo qoysaskooda dib loola mideyn doono.
Maamulkii madaxwayne Trump ayaa kala geeyay ugu yaraan 5,500 oo caruur ah oo waalidiintooda laga qaaday sanadihii 2017 ilaa 2018-kii.
Amarka labaad iyo kan seddaxaad ee uu saxiixay Biden ayaa waxaa dib u eegis lagu sameeyn doonaa siyaasadihii mamulkii madaxwayne Trump ee dhimay tirada dadka magangalya doonka ah hoosna u dhigay tirada muhaajiriinta sida sharciga ah ku soo gali jiray Mareykanka.
Biden ayaa sidoo kale soo jeediyay xeer sharciyo lagu siinayo dad tiradooda lagu qiyaasay 11 milyan oo ku sugan dalka Mareykanka oo aan haatan wax shraci ah haysanin.