Dadkoo dhan illaahay baa uumay, abuuray, isagaana yaqaan noocyadooda kala duwan. dadka waxaa kamid ah nooc ay dhibto waxa u wanaagsan dadka oo waxa uu la dirirayaa wanaag oo dhan,waxa uuna jecel yahay in uu isaga mooyee cid kale noolaan!! hadana ma heli karo sidaa isagu. nooc waxaa jira naftiisa iyo dadka kalaba la raba in ay hormaraan oo helaan nabad iyo nolol iyo hormar. sababahaasi waxay ku dhamaadaan xikmada illaahay usameeyay cadaabta iyo janada. dadkuna inta badan waxay yihiin kuwo aan shukrin in yar mooyee.
Waxaan illaahay ka baryaynaa in uu nagu daro intaa yaroo shukrinaysa. Madaxnimada iyo hogaanka yeesha haybad dadkuna jecelyihiin waa siin iyo dheeri illaahay siiyo noocyo kamid ah adoomadiisa.Dadka qaarbaa layimaada xasad iyo xiqdi ah uquuri waa waxaa illaahay siiyay adoonkiisa, Waxayna had iyo jeer isku dhereriyaan oo yiraahdaan isagu sidee ku helay aniguba mahaystee sharafkaan iyo karaamadaan!!wax kasta oo uu leeyahay hogaamiyaha fiican oo uu dadkiisa u qabto waxay jecelyihiin xaasidiintu in ay qariyaan,inkiraan khayrkaas, sikale u fasiraan masayrka iyo murugada haysa ee buuxisay laabtooda dartiis. markaa iyagu illaahay ayay la dagaalamayaan oo ku haystaan wuxuu siiyay adoonkiisa!!
Hogaamiyaha fiican ee leh aragti dheer,leh haybad iyo hanaan dhisid qaran maha mid la barto oo kaliya waa siin rabi xagiisa ka timid.Markii nabiyullaahi ibraahiim loo bishaareeyay waxaa rabbi yiri waxaan kusiinay wiil cilmi leh waa nabi isaxaaq. waxa jira dad badan oo dunida nasiib u helay in ay heerkuu doonaba ha ahaadee masuul noqdaan,ilaa heer madaxweyne balse kaliya uun ay ka faa iideen in la ogaaday karti yaridooda,maangaab nimadooda,masuuliyad daridooda, iyo in aysan ahayn hogaamiye haba joogeen kursigee! markaa hogaamiyaha wanaagsan waa siin rabbi iyo hibo gaar ah.
Anigoo ah qof shacab ah soomaali ah islaam ah waxaan qirayaa maanta in dalkeena ay u kaceen hogaamiyayaal wanaagsan oo u naxaya dalkooda iyo dadkooda oo inta tabartooda ah u shaqaynaaya sidii soomaaliya u heli lahayd dawlad xoog leh oo dalkoo dhan hanata,bad iyo bari iyo cirba. waxaana mudadaas yaroo ay joogeen xukunka dalkeena ka dhacay isbadal xawli ah oo hormarineed dhan walba,haday ahaan lahayd amaankii,haday ahaan lahayd la dagaalanka musuqmaasiqii,haday ahaan lahayd isla shaqaynta iyo isku duubnida dawlada iyo shacabka dhan walba guul baa dhacday cad oo muuqata.
Ismaan lahayn sidii magaceenii u dhiiqoobay,sida musuq maasuqu uula haray dalkeena ayaa aduunyadu idinku aaminaysaa oo dayntii laydinka cafinayaa ismaan oran.ismalahayn shacabka ku dhaw afarta malyuun ee caasimada ku nool ayaa heli doonta mudooyinkan xaquuqdoodii aqalka sare! waxaa xusid mudan in madaxweynayaashii kahoreeyay isaga diideen toosna u hor istaageen oo xaqireen maqaamka caasimada iyagoo u adeegaaya cadaw aan rabin hormarka iyo xuquuqda caasimadeena. waxaase yaab leh kuwii shalay isaga keen dhigaayay in aan rabaan xuquuqda caasimada oo dadka uugu qaylada badnaa in maanta markii runtii timid ee ay arkeen in lasiiyay 13 xubnood oo aqalka sare ah ay wajiyadoodee murugo la madoobaadeen!! diideen oo ka horyimaadeen khayrkaa madaxweynuhu falay iyo cadaaladaas. illaahaybaa fashilay xasadkooda iyo munaafaqnimadooda. Hayeeshee waxaan ogaaday in meesha rag aamin ah oo xirfad leh oo hogaamin qaran leh meesha soo galeen oo daacad ah una cadaalad falaaya dadkooda . aduunkuna arkay taas kadibna cafis yimid buuxa. Tani waa danta shacabkeena soomaaliyeed iyo dalkeena waana guul dawladeenu keentay,rabbi ayaana baritaaray wanaagooda dartiis,daacada illaahay baa lajira had iyo jeer.
Madaxweyne Farmaajo waa hogaamiye u daacad ah shacabkiisa iyo dalkiisa oo dhisaaya.hada soomaliyeey walaalayaal markii illaahay kusiiyo fursad ah in aad hesho hogaamiye fiican,waxaa lagaa rabaa in aad baraarugto xajisato oo aad ilaashato garab istaagto oo aad la shaqayso ku mintido kana ilaashato cadawga gudaha iyo kan dibadaba.maxaa yeelay fursada ku soo maraysaa maha mid marwalba taagan sidaa daraadeed hadayicin khatarna hagalin iyo dib u dhac danbe.
TURXAN BIXINTA SAMAREEB
Waxaa balantu tahay meel marinta heshiiskii loogu magacdaray ISLA OGOL DOORASHADA 2021 oo ahaa mid dawladii dhexe ee fadaraalka iyo maamul goboleedyadii hoos imanayay dawlada dhexe ay isla gaareen isla ogolaadeen qaab doorasheedkii iyo nooca doorasho oo ay ku kala aragti duwanaayeen,wixii ka horeeyay 17 september2020.Tanaasul kayimid dhanka dawlada dhexe ee fadaraalka ayaa keenay in qalinka lagu wada duugo 17 september doorasho heshiis lagu wada yahay oo qabsoonta halkaasoo lagu soo afjaray. Ninbaa laga sheegay rag ay isqabteen oo ka heshiiyay waxay isku qabteen in ay wali hadalwadaan oo ay qanci layihiin dhux dhuxna wadaan, kolkaasuu inta yaabay yiri hadal hada maah maahnoqday oo ah “GARDABEED GIIGIIDA AYAAN NACAY” waa runtii aduunyada nin ragihi waa kii qawl leh oo gali kara heshiis. hayeeshee qofku markuu yahay mid maran oo aan qabin kalsooni isla markaana taladu isagaba ka go aynin ee uu cidkale adeegaa u yahay nafmalaha waqtina laguma lumiyo dhab ahaan.maxaayeelay malaha raganimo iyo shaqsiyad midna. ninbaa laga sheegay “NAAGAHAAN DHANKII LOO ROGIYO DHINACNA DIIDAYNE” waa sifaha ka muuqda dani iyo ahmadkan daba socda!!
Adeer ninka hada buuryaqab gaaleed dhagta kasoo qabtay eediiday qawlkii illaah ee uu yiri rabbi Adiicullaha wa adiicu rasuula wa uulil amri minkum. oo macnaheedu yahay illaahay adeeca oo rasuulkiisa adeeca alyacni maqla oo raaca iyo madaxdiina amarkooda raaca oo maqla. Ninka diiday madaxweynihii qaranka ee diiday raysalwasaarihii qaranka ee buuryaqab gaal yeelay soomaaliyeey balhada isiiya ninkaa warkiisa? wajigase maanta uu inagu soo horfariisan siduu uyaalaa? hadaan intaa ka gudbo
Sida sharcigu yahay nidaamka heshiisyada iyo dawladnimaduna ay tahay,waa in intii wada gashay heshiiskii ISLA OGOL DOORASHADA 2021 mudo kooban wada fadhiistaan turxan bixiyaan kadibna mudada fulinta islameel dhigaan waa intaa oo kaliya. waxaana reeban furid baal cusub iyo xubno cusub oo kadhigaaya heshiiskii hore mid buray gabi ahaantiisba iyo dib uugu laabasho heshiiskii hore, waxaa reeban faraglin heshiiskaas ay ku lugyeeshaan cid kabaxsan sixiixayaashii labada dhinac.waxaanu si dhaw ula soconaa masar xulufada ay hogaaminayso sida kenya iyo emaraadka in laga adkaaday oo adeegayaashoodu waxba haatan gacani uugu jirin,sidaa daraadeed ayay doorbideen in ay hadaba ka dhigaan doorashada soomaaliya sidii QAYS IYO LAYLA sheeko socota kun habeen!! laakiin soomaaliya hada soo jeedsatay oo maawelo danbe dhamaatay. ninkii rabbi u qoray in uu dalkaan madaxweyne ka noqdo 2021 hala arko nasiibkiis.
DIGNIIN AMAANKA MADAXDA SARE DALKEENA
Waxaa colaad qaawan oo aad u foolxun ku haya geeska afrika Masar oo carab hogaaminaysa,waxay burburinaysaa ehtiopia iyadaana ku haysay tigreegii jabay halkaa.waxay burburinaysaa soomaaliya iyo bariga afrika oo dhan oo ka dhigaysaa meel aan xasiloonayn oo dawladuhu iscolaadinayaan isdilayaan,waxayna masar usii adeegaysaa dalal reer galbeed iyo yuhuuda.sidaa daraadeed waxay aad u isticmaashaa masar sumaynta madaxda,sida sanaawi markuu dhisay biyaxireenka ee ka diiday in uujoojiyo mashruucaa ay usumeeyeen.turkiga marabaan carab oo dhami marka laga reebo qadar in uujoogo soomaaliya iyo ehtiopia sidaa daraadeed waxay shirqoolayaan madaxda afrika ee turkiga raacsan siyaasadiisa. halayska jiro dagaalka sumaynta ee dad soomaaliyeed wadaan masarna usoo dhiibtay.madaxda qaranku yaysan cidna aaminin hooyadaaba ha ahaatee. masuuliyiinta ilaalisa madaxda dalka ee sare xilwayn baasaaran xiligan xasaasiga ah.halga fogaado dalalka carabta waa halka laga dilo soomaaliya waligeedba hadana kuma sii jirto.
waxaan xusayaa in illaahay caadil nimadiisa karaamadii iyo haybadii iyo taariikhdii magaalada samareeb ee dawlad goboleedka galmudug,ay mutaysatay ay u quuri waayeen dani iyo ahmedkan daba socdaa hayeeshee maanta ay noqotay halkii laga bilaabay laguna fuliyay doorashada taariikhiga ah ee 2021 dalka soomaaliya. waa u mahad celinaynaa galmudug iyo samareeb iyo shacabkooda hanbalyo hanbalyo halkaa kasii xajiya dawladnimada iyo soomaalinimada nina reer wax kunoqon waa la ogaayoo. afartan bukta dalka waa ka qabanaynaa waa balan.