Allahuma Najinaa. Hore Somaliya waxaan u maqli jirnay, Burcad Badeed iyo Burcadda Beriga. Hadda waxaa Bilaabatay Burcadda Dahabka Dhulka hoostiisa.
Dunida waxaa Jiro Macdan qaali ah, si kharaj yar loogula soo baxana, Shirkadaha Caalamku waxa ey hore u mariyeen Qalabka lagu ogaado.
Hore waxaa loo soo saaray Qalab casri ah oo lagu ogaado fogaata Biyuhu jiraan ka hor inta aan la qodin Ceelasha.
kadibna waxaa la soo saaray Qalab lagu ogaado Halka Dahabku ku jiro, Fogaantiisa iyo nuuca uu yahay.(F. S: 1& 2aad).
Hadda waxaa Somaliya la keenay Qalab kaa ka dambeeyay kana Casrisan. Gobalada qaar ayaa lagu soo isticmaalay.
Sannadkaan 2021, Dahabkii ugu horeeyay ayaa laga soo Saaray Gobalka Baay, meel Baydhabo 80km, dhinaca Barri ka xigto.
Dahabkaa Baay oo aan weli la sifeeyn ayaa la leeyahay Usbuuci hore raggii Burcadda Dhulka hoostiisa ahaa waxaa loogu gatay,$1.2 Million Qiimi raqiis ah, Hadda Bililiqada Burcdu waxay Feb.2021 ku jadbeeysan tahay, Labada Shabeele, iyo Barriga Hiiraan.
Ma hubo cidda ku lugta leh, Laakin Ganacsato iyo Siyaasiyiin ayaa ……, Kooxda Dalaalka dhexe ah ee laga iibiyay ma hubo waxaase la leeyahay waa…… Dahabka aan sifeeysneen waa nuucya Badan yahay ( F.S: 3- aad ).
Fadlan Adiguba isku day in aad wax ka sii ogaato oo aad nala wadaagto wixii xog ah ee aad hesho.
Arrinta Dahabku waa hanti umadeed, waana khatar cadiim, haddii aad ku dhiiran karto, Allaah ayaa wax Badbaadiyo.
FG: wixii iga khaldan iga sax, wixii iga dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir