Natiijo hor dhac ah oo ka soo baxday tijaabada tallaaka Ruushku soo saaray ee ka hortagga fayraska korona oo la yirahda Sputnik Vee, ayaa muujisay in waxtarkiisu yahay 91.6 boqolkiiba.
Natiijadan ayaa lagu ogaaday dhowr tijaabood, sida lagu faafiyey majallada caafimaadka ee Lancet Medical Journal.
Waddamo ay ka mid yihiin Argentina iyo Bolivia, ayaa tallaalka Sputnik Vee ka door biday tallaalada kale ee la soo saaray.
Dr Cismaan Cali Gaboose oo ah dhaqtar ka howlgala isbitaalka Kenyatta ee magaalada Nairobi, wuxuu sheegay in ‘’Tallaalkan ruushku soo saaray uu lamid yahay tallaaladi beryihi dhawayd soo baxayay, qaabka ay isticmaaleena waa isla noocii wax badan kama duwano’’.
‘’Dunidu tallaal awoodisu gaarsiisan tahay boqolkiiba boqol ma jirto, marka tllaalku haduu boqolkiiba sagaashan soo gaara waa mid wax tar leh, waxaa uuna difaac ku siinaya muddo dheer oo qofka jirkiisu ku jirayo,’’ ayuu yiri Dr Gaboose.