Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin hor leh oo looga hortaggayo fiditaanka cudurka Covid-19 kaas oo kusoo laba kacleeyay dalka.
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in haatan ay sii kordhayaan tirada dadka uu ku dhacay cudurka Covid-19 ee la geynayo cisbitaalka Martiini, sidaas darteedna dowladda ay ku dhawaaqaday tallaabooyin hor leh oo looga hortaggayo fiditaanka cudurka.
Dowladda waxay sheegtay in mucaaradka aysan kusoo wargelin banaanbaxa ay dhawaan ku dhawaaqeen in jimcaha ay ku qaban doonaan Muqdisho.
“Anaga cid ina tiri waan mudaaharaadeynaa ma jirto..waan maqalnay suuqa ayaan ka maqalnay” ayuu yiri Wasiirka amniga Xasan Xundubey Jimcaale oo galabta ka hadlayay shir jaraa’id ay ku qabteen Muqdisho.
Wuxuu sidoo kale sheegay in arrinta ku saabsan banaanbaxa mucaaradka lagu wado inay ku qabtaan ay soo hoos galeyso tallaabooyinka dowladda ay kaga hortageyso cudurka Covid-19 isla markaana aanan la qaban karin.
“Dadka waxay qabaan inay cabiraan dowladnimada ka qeyb ka tahay waana tiirka ugu muhimsan..arrinta ku saabsan mudaaraadka anaga waan maqalnay waxay kamid tahay is aragga guud iyo isu imaatinka guud oo laga hadlay oo wasiiradu ka hadashay ayay qeyb ka tahay.
Mucaaradka Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Jimcaha nagu soo aadan ay Muqdisho ku qaban doonaan isu soo baxyo ka dhan ah dowladda.
“Waxaan wax ku dhiseynaa bulshada Soomaaliyeed awaamirta laga soo saaray ee guud ayay qeyb ka yihiin waa gaar ah oo aan anagu mudaaharaad uga hadleyno ma jiraan” ayuu yiri wasiirka amniga.
Dhanka kale, mucaaradka ayaa dhankooda sheegay in dowladda ay ku wargeliyeen banaanbaxa.
“Waa ogeysiinay qoraal baan u dirnay..dowladda waan ogeysiinay wey ogtahay haddii qoraalkaa ha nala soo gudbiyo ay tiraahdana mar kale diyaar ayaan u nahay in aan ugu soo celinno oo aan gaarsiino qoraalka” ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle oo ka tirsan mucaaradka mar uu BBC la hadlayay.
Khubarada caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee Covid-19 loona baahan yahay in dadka si weyn looga wacyigeliyo khatarta cudurka.
Tallaabooyinka ay ku dhawaaqday dowladda
- In la fasaxay shaqaalaha dowladda marka laga reebo shaaqaalaha aan laga maarmin.
- In gebi ahaanba la joojiyay isu imaatinka dadweynaha.
- In dadka afka iyo sanka ay dabooshaan.
- In la joogteeyo kala fogaanshaha bulshada.
- In la yareeyo isu socodka iyo safarada gudaha dalka.
- In masaajidda laga dhaqangeliyo xeerarka ka hortagga cudurka gaar ahaan in lagu dadaalo kala fogaanshaha bulshada, in la xirto maaskarada.
- In ciidamada amniga ay u xilsaaran yihiin dhaqangelinta tallaabooyinka ka hortagga cudurka.
Xigasho:BBCSomali