Galool: War kuwaanina, maxa ay ahaayeen? Ar ”kuhadla af la yaqaan mid Carab iyo Cajab kuu doonabaha ahaadee”!
Jaalle: Macallin, kan intaas naga soo galay ”shabtiisaleenba ka war-helay? An muggoo maku jiri warkiisa, adi lee waaye, miniid af kaseeysid.
Jaalloow, adigu, soowtaan kugu ogaa xasilnaan, misewaa adduunyoo muggaan yaraa ayaan maqli jiray”Adduunyo gadoonka muggii la gaaro waxaa la arkaa Hebeloo Geel dhacaayo iyo Hebelkii oocelcelaayo” Warkaaga Jaalloow, muggaan saas ayuuku socdaa, ee caga dhigo.Ma filaayo in aad ku jirtokuwo mugga ay dhasheen laga illaaway Malmal iyoxildiinka e.
Galooloow, adna bal xoogaa yar noo kaadi. Waana tiihore loo yiri ”Haddii dagdagsiino door dhasho, kaadsiimana kiish lacag ah ayay dhashaahe”.
Jaalloow, hore ma u maqashay ”Haddaan la kala roonaan Roob ma da’o”!, Warkaasu ma sugan yahay? Dan kama lihi sugnaantiisa! Yaa baxshay? Iyana waxiima soo kordheeyso ee ka gudub.
Waxaansa filaa in halkaasi tahay meesha ”Dhaxantuka timid”.
Sug-sug sug Macallin, intaas ku jooji, sheekada warkoraadka ka dhaaf, warkoo oo ununka kaseeyno kusheeg, minii kale naga dhaaf, Jaalle oo dhirifsan ayaasaas leh.
Waxaan iri; Jaalloow ”Mihii dhaxani kaagaimaaheyso waa leyska oodaa” . Kala roonaashaduwaa in ay laba dhinac noqotaa. Hal dhinac kaligiismeel ma geyn karyo.
Hayabbo, hore u soco, faradheernkaan wax u sheegaas ku qancaayo, waa kaas na soo kuurooyo, wixiinka khabno ma kasaayi oo aas saas noogu kuurooyo.
Hhhhhh…hhhhhh….hhhhh..
Qosolkaanse maxaas ahaay?,Squatro bello aas helay, faradheerki, reer koraadka ahaa.
Waa runtaa Jaalloow, waa tiiba hore loo yiri ”Qosolaan laysla qabin waa qaraabo goys”, soow saasmaaheyn horta?
Haa, laakiin markii horeba ma la ahaa isku dano?
Maya u maleyn maayo. Waa uun la wadajiray lana kala jiray, lana kala socday.
Aan idin weydiiyee hore ma u maqasheen”Cawadiina Oday-oday maaliintiina Habar-habar”? Ma hesheen waxa loola jeedo.
Kolleey waa hubaa in qayb idinka mid ahi si fiican u ogtahay halka ay ku arooreyso Murtidaas.
Mid kalese ogaada ”Cadawgaaga saaxiibkiis waasaaxiibkaa” ayaa la yiraa. Sidee ku dhaceysaa qofaananba isku dan aheyn in aan hal cadow u midoowno?, Waa uun dano ku meel gaar ah oo hal dhinac u jeedo, kalana jeedo.
Waa hubanti, haddii kaasi laga adkaado in dib la isugu soo jeesan doono. Waxaaba suurtowdo in mugkale adiga laguu midoobo.
Galool: Warkaan micna darrada ah innaga daaya oo, miyaan ka wada hadalnaa wixii innaga dhexeeyay eeisagu kaaya darsanaa? Waxaan idin leeyahaySaamigeyga gooni iigu saara.
Macallin, kan maxaas ka hadlaa oo aas nagudarsaday horta? Jaallaa warkaas la soo booday.
Jaalloow, adiga waxa aad moogtahay in isagawaalidkiis iyo waalidkeen isku dhiig darsadeenmarkii ay yaryaraayeen, waana taas meesha uu ka hadlaayo. Balse dadkii shalay wax isku darsaday oodhiigga isku dartay maanta ma noola.
Waxaa yimid duul kale oo ka geddisan duulkiiaaminsanaa ”Uufuu bilcahd innal cahda kaanamas’uulan”.
Galool, Xaal qaado. Waxaa kaa muuqato in aadogeyd halkii lagu diriray, dirirtii waa laga heshiiyay. Saamiguna waxaa roon in uu mid yahay..
Jaalle: Macallin, kan warkiisa ka bax.
Maya Jaalle ” Xaalku waa isma hurtooy ha is halleyn”. Waxaa rogmanaayo daadad xoog leh oo ka imaanayo Bari iyo Galbeed. Waa tsunaamiyo Gacanku rimis ah, kuwaas oo aan ka tegeyn dad,duunyo iyodeegaan midna.
Galool iyo Jaalloow, bal jalleeca daantaa galbeed iyomiddaa Bari Daadadka innooga soo fool leh. Minaadrabtaana xitaa dhugta Kor iyo Koofurba , minaad ka arkeysaan Neecaaw qaboow.
Waxaan filaa in aad ogtihiin waxaa la yiraa ”Daadintuusan ku soo gaarin ayaa la iska moosaa”, maantatabar ayaan heynaa berri waxaa imaanayso in la yiraa”Shalay oo aan wax galay talo ma heyn, maanta ooaan talo haayana tabar ma haayo”. Waa kol ay2Xeero iyo Fandhaal kala faniineen”.
Waxa aan uun joognaa halkii uu lahaa AUN CabdiMuxumud Amiin : ”WAA MAAN GURRACAN IYO GARASHO JAAN”.
Waa muhiim in aan dhuganno Aayaddii aheyd”Wactasimuu bixablillaah Jamiican”, taas ayaakeeneyso awood iyo quwwad aan ku moosnodaadadkaas soo wajahan.
Galool: War nimmanyahoow, waxaan maqli jiray”NIN KU DILAY HAR KUUMA JIIDO”eBeerlawsiga innaga daaya, oo dhaxalka innoo kala miira.
Galooloow, Bal dhugo shalaydaan muuqato wixiidhacay. Meel dheer kuu diri maayo e AxdaastiiSagaal iyo toban boqol siddeetanya sagaalkii taabatayQaybaha Bidigeed dib u jalleec, wixii kuu soobaxana igu soo celi. Kolleey Hal-hal ku dar waaLaba, Laba-hal ka jarna waa Hal, labadaa midkatogan iyo kan taban ha la ii saxo.
La soco Q.xigta
Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”