War kasoo baxay Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ay kahortagtay Gangaal lala damacsanaa Magaalada Riyaad ee xarunta Dalkaas, waxaana ay dusha ka saartay in ay ka dambeysay weerarkaas Kooxda Xuutiyiinta ee Dalka Yemen.
Sacuudiga ayaa tilmaamay in Gantaalka lala damacsanaa in khasaare lagu gaarsiiyo Shacabka & Mas’uuliyiinta kunool Magaalada Riyaad oo Caasimad u ah Boqortooyada hoggaaminta dalkaas isku koobtay.
Riyaad waxaa inta badan kunool qoysaska & ehelka Boqortooyada, Dadka xilalka kala duwan ka haya ee ku jira Xeendaabkooda, sidoo kale Ajaanib dalal kala duwan u dhalatay oo ogolaanshiyo ka heysata Dowladda ayaa kunool kuna ganacsata.
Xukuumadda Riyaad ma aysan sheegin khasaare ka dhahay gantaalka la burburiyay, dadka caasimadda ayaa maqlay jug xooggan, markii ayaa lagu wargeliyay in laga hortagay Gantaal kusoo socday.
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa mar kala duwan sheegatay mas’uuliyadda Gantaallo ku dhacay Magaallada Riyaad & Gobollada xiga Dhanka Xadka, Isbaheysiga Sacuudiga uu hoggaamiya ayaa Xukuumadda Iiraan Dusha ka saartay in ay bixisay gantaalladaas.
Tehran waa ay iska fogeysay jiritaanka wararka sheegaya in Gantaallo Casri ah ay siisay Kooxda Xuutiyiinta, waxayse si dadban uga qayb tahay dhinacyada ka dagaalamaya Yemen oo 10-sano kahor kacdoon ka dhacay lagu riday Dowladdii Cali Cabdalla Saalax.