Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi DENI ayaa cabsi weyn ka muujinaya in ay soo xiraan ciidanka sida gaarka ah y tababaran ee Dowladda gaar ahaan Gor Gor, kuwaas oo la sheegay in ay si qorsoodi ah kaga shaqeeyaan deegaanada Puntland.
Xog aan ka helnay, ayaa sheegeysa in si weyn loo adkeeyay amniga madaxweynaha Puntland,islamarkaana uu yareeyay dhaq dhaqaaqii badnaa uu sameyn jiray, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in cabsi amni ay soo wajahday.
DENI ayaa siyaasad adag kula dhaqma Dowladda madaxweyne Farmaajo, isagoo dhowr jeer diiday shir loogu yeeray Muqdisho. Wuxuuna si cad u sheegay inuu ka baqay dhibaatooyin amni oo kaga timaada madaxweunaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhisay ciidamo awood leh kuwaas oo mararka qaar lagu weeraro shaqsiyaadka ka aragti duwan hoggaanka dalka.