Magaalada Boosaaso waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday abaabulka isu soo bax ka dhan ah Maamulka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, balse Ciidamada ammaanka ayaa la dejiyay goobo hor leh oo katirsan xaafadaha Magaaladaas si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa Dadka.
Amar kasoo baxay Madaxtooyada DG Puntland ayaa lagu joojiyay isu soo baxyada sabab la xiriirta xaaladda soo laba-kacleynta xannuunka Covid-19 oo kiisas kala duwan laga helay Gobollada maamulkaas hoostaga.
Dadka ayaa looga digay in ay sameeyaan isu soo bax, qofkii lagu qabto maamulku waxa uu sheegay in uu maxkamadeynayo, maadaama amarka lagu joojiyay isu baxa uu salka ku hayo ka feejignaanta faafitaanka Covid-19.
Ciidamada ammaanka ayaa xiliyada habeenkii baaraha Gawaarida & Dadka la socda si ay u ogaadaan dadka saaran & dhaqdhaqaaqa isu socodka Bulshada, waxaana ay sameysteen goobo ay ku hubiyaan.
Boosaaso waxaa horay uga dhacay dibadbax intooda badan ku saabsan diidmada lacagta, inkasta oo haatan wararka soo baxaya ay sheegayaan in Hay’adaha ammaanka ay ka war heleen abaabulka isu soo bax ka dhan ah Madaxweyne Siciid Deni.
Baraha Bulshada ayaa 23-kii Febaraayo 2021 lagu baahiyay in Magaalada Boosaaso uu ka dhacayo Dibadbax 26-ka Febaraayo 2021 oo lagu taageerayo Madaxda Dowladda muddo xileedkeedu dhammaaday loogana soo horjeedo Madaxweyne Siciid Deni.