Shir udhaxeeyey Saaxiibada Caalamka Ee Soomaaliya & Ra’iisal Wasaaraha Xil gaarsiinta Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dhacay maanta Magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa lagu falan qeeyey sidii xal waara looga keeni lahaa arinta kusaabsan Doorashada iyo Muranka hareeyey.
Ra’iisul Wasaare Rooble Ayaa soo dhigay Qoraalkaan Bartiisa Facebook kadib Shir uu la yeeshay Xubnaha Beesha Caalamka.
” Waxaan Wakiillada Beesha Caalamka la yeeshay kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaan is dhaafsannay aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka.”
Warar ayaa sheegaya in Saaxiibada Caalamka Ee La kulmay Ra’iisal Wasaare Rooble ku dhaliileen Dawlada Hogaankeeda inay adeegsaneyso Awood,meeshii la rabay inay wax tabashada la qabo xalkeeda fiiriso.
Beesha Caalamka ayaa ku dedaaleysa in aysan Dawladnimada bur burin,islamarkaana Mucaaradka iyo Madaxda Dawlada ugu baaqday in la sameeyo Tanaasul.