Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ee Soomaaliya ayaa tallaabo u qaadday dadaallada lagu caawinayo bukaannada la xanuunsan cudurka Covid-19 ee kusoo labokacleeyay Soomaaliya.
Muddooyinkanba waxaa soo baxeysay cabasho iyo walaac xooggan oo ku aaddan in uu gabaabsi noqday adeegga hawada Oxygen-ta ee bukaannada neefsashada dhibeyso lagu xidho.
Hormuud ayaa sheegtay in ay ilaa 1,000 haamood oo hawadaas ku jirto ah ugu deeqday bukaannada.
Farriin ay Hormuud soo dhigtay Twitter-ka ayey ku tidhi: “Maadaama ay kordheen kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya, lana la’yahay adeegga Oxygen-ta ee neefsashada ka caawiya bukaannada, waxaan isbitaallada maxalliga ah ugu deeqnay 1,000 haamood oo Oxygen ah.”
Dowladda Soomaaliya ayaa ku talisay in dadka ay sameeyaan dadaalka looga hortagayo faafitaanka cudurka, ayna si joogto ah u xirtaan maaskarada. Inta badan shaqaalaha dowladda ayaa lagu amray in ay guryaha kasoo shaqeeyaan.