Allaha u naxariistee waxaa saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho isku Dal-dalay Gabar Arday aheyd oo la sheegay in ay dhiganeysay mid ka mid ah Jaamacadaha ku yalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Gabadhaan oo ku jirtay da’aadda 17-jirka ayaa ku jirtay Sanadkii ugu dambeeyay ee Waxbarashadeeda Jaamacadda,iyada oo aheyd Simister-ka 5-aad,taas oo ka dhigan in Bilo kadib ay ka qalin jebi laheyd Jaamacadda.
Drs. Faa’iza oo ah Gabadha is dishay waxaa Ehelkeedu inoo sheegeen inay isku dishay hal sabab oo aheyd inuu ku soo kici jiray Xanuun laga dhex hadlayo,islamarkaana ay go’aan satay inay Nafta is dhaafiso.
Allaha u naxariistee Faa’iza ayaa la sheegay in ay Qolkeeda ka soo xiratay dhexda islamarkaana ay Xarig ku xiratay Kabaryaatiga,Qoortana ay gashatay,iyada oo u geeriyootay dhiig Madax uga furmay sida Ehelkeedo sheegeen.
Dhacdooyinka noocaan oo kala ah ee is dilka qofka ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay magaalada Muqdisho iyada oo dhowr jeer sidaan oo kale dhowr qof ay isku dal-daleen.