Walaalaheena Qurba joogta ahoow, waxaan idin leenahay ku sabra Haddii, xaaladdii aad nooga tagteen aan weli ku suganahay, oo aan weli isbedel jirin. markii hore Dalka waxaad uga cararteen :
1. Baahi iyo Cudur
Cuduro inta badan Baahidu sababtay, ayey qaarkiin ka qexeen, waxaad tagteen Wadamo kale, Baahidii iyo Cuduradii khatartoodii waa idinka yaraatay, Laakin Cudur kale oo Covid- 19 la yiraa ayaa ka dilaacay wadamadii aad tagteen, mar kale ayaa qaar badan oo idinka mid ahi Dalkii Dib ugu soo qexeen si ey uga badbaadaan Cudurkaa ( F.S: 1aad).
Walaalaheena oo ah Qurba joog soo noqotay ayaa ku geeriyootay Dalka. Alla ha u naxariistee waxaa ugu dambeeyay Fanaanadda Faduma Cali Nakruuna AUN, Dambigeedana Alla ha cafiyo ( Runtii Anigu ma aqoon, mana ahi Dadka Fanka xiiseeyo, iyada oo heeseeysana weligeey ma arag. Hal mar ayaan Nolosha ku kulanay Xafiis Qaran, si wanaagsan ayeey iiga sheekeeyay nolosheedii iyo waayaheedii qurbaha, Nin nala joogay ayaa maalintaa Sawirkaan naga qaaday oo hadda ii soo diray ). ( F.S: 2aad).
Baahidii iyo Cudurkii aad ka cararteen ayaa Dalka ku soo Laba kacleeyay, Weliba iyada oo Qurba joogto ey hogaanka Dalka hayaan. intii Covid 19 nooga dhimatay Alla ha u naxariisto.
2. Colaad.
Waxaad ka tagteen Dal Colaadeed oo Xuriyadda Hadalku ey Mamnuuc ka tahay. Waxaad tagteen Wadamo Xuriyadda Hadalka la ogolyahay, waxaad la kulanteen Police Burar wato oo Biyo kugu buufinaa.
Halkaan waxaad ugu soo noqoteen, Sharcigii oo Shaar Nin leeyahay Noqday, Dastuurkii oo Daaqadda laga tuuray. Asgari aan kala ogeeyn Cidda uu ilaalinayo iyo cidda uu ka ilaalinayo. Police Beebe wato, Bilcaamihiina Buntuq ku bursaa. ( F.S: 3aad)
Walaalihii noo soo Noqdoow, ku samra wixii aad nagu aragtiin.
Qore: Yahya Amir