Babaayga asal ahaan waxa uu kasoo jeedaa Bartamaha Qaarada America iyo Koofurta Mexico wuxuuna ka tirsan yahay Qoys dhireedka loo yaqaan Carucaceae, seynis ahaana waxaa lagu magacaabaa Carica Papaya , Babaayga waxaa kaloo loo yaqaan Fruit of the Angels oo uu u bixiyay bad mareenkii Talyaaniga ahaa Christopher Columbus, Babaayga waxa uu kabaxaa dalalka leh cimilada Kulaaleyda.
FAA’IIDOOYINKA CAAFIMAAD EE LAGA HELO BABAAYGA WAXAA KA MID AH :
• Babaayga waxa uu hagaajiyaa CAAFIMAADKA WADNAHA.
• Babaayga waxa uu kahor tagaa CUDURKA KANSARKA.
• Babaayga waxa uu yareeyaa HEERKA CHOLESTEROL-ka JIRKA. •
Babaayga waxa uu kor u qaadaa HABKA DIFAACA JIRKA ( Immune System )..
• Babaayga waxa uu caawiyaa ILAALINTA ARAGA INDHAHA.
• Babaayga waxa uu hagaajisaa DHEEF SHIIDKA. •
Babaayga Waxa uu kahor tagaa DHAAWAC YADA MAQAARKA.
• Babaayga waxa uu kor u qaadaa BIXIDA TIMAHA IYO CIDIYAHA.
• Babaayga waxa uu dumarka ka caawiyaa in uu dhiiga si wanaagsan u socdo XILIGA CAADADA.
• Babaayga waxa uu caawiyaa YARENTA STRESS-kA.
By. Muse MOHAMED OSMAN.
E – Mail : muuse Kiiniko@gmail.