Dowladda Biljimka ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay aqoonsantahay dublamaasiga iyo kan shaqaalaha Soomaaliya.
Wadanka Biljimka ayaa ah halka ay ku taalo xarunta Midoowga Yurub, waxayna tallaabadan noqon kartaa h fursad hor seedi karta in dalal badan oo ku yaala Yurub ay aqoonsan doonaan baasaboor Soomaaliga.
Fariin lagu faafiyay bogga rasmiga ah ee safaaradda Biljimka ee Kenya, laguna shaaciyay go’aanka dowladdaas ayaa aad loosii faafiyay, gaar ahaan dadka baraha bulshada isticmaala.
Haddaba maxay ka dhigantahay arrintan?
Waxaa sharaxaya safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Biljimka, oo sidoo kale ah safiirka Midoowga Yurub Cali Fiqi ”Aad Ayaan ugu rajo waynahay in inta dhiman ay qaatan talaabadan ay Biljimku qaadatay, waddamadii galbeedka Yurub waxaa noo hadhay oo kaliya kuwo yaryar sida Spain, Burtuqaal iyo Giriiga, Sweden waxaan rajaynaynaa in ay dhawaan aqoonsadaan,waxaan sugaynaa in baasaboorka caadiga ah hawshiisa aan soo dhameyno sannadkan inta aanu dhamaan”.
Waxaa jira dedaalo ay dawladda Soomaaliya ku doonayso in ay ku iibiso baasaboorka soomaaliga sidii dib loogu aqoonsan lahaa, mar kale Fiqi oo ka hadlaya in ay waqti ku bixiyeen guulahan ay ka gaareen aqoonsiga baasaboor Soomaaliga.
” Burburkii dawladii dhexe wixii ka danbeeyey waa la diiday adeegsiga baasaboor Soomaaliga xitaa waxaan gaarnay in fiisayaasha nalagu siiyo warqado, baasaboorka laguma dhufan jirin taasna macnaheedu waxey ahay in aan la aqoonsanayn baasaboorka, dadaal dheer ayaan u galnay iskaashi laamaha dawladdeena oo dhan ka dhexeeya, waxaan u galnay dadaal dheer sidii wadamada yurub ay u aqoonsan laheeyeen baasaboorka,waxey na weydiiyeen su’aalo badan,sida tayada,isticmaalka xogaha iyo barnamijyada aanu isticmaalno,kadib waxey ogadeen in baasaboor soomaaligu uu ka tayo fiican yahay baasabooro dalal afrika ah oo horey ay u aqoonsadeen”.
Waddamada ugu danbeeyey aqoonsaday baasaboor Soomaaliga waxaa ka mid ahaa wadanka Luxemburg,waxaa jira xafiisyo cusub oo laga bixinayo qaadashada baasaborka sida,Jarmalka,Fransiiska,halka markii hore ay jireen xafiisyada Biljimkan iyo Talyaniga,
Wali waxaa jirta baahiyo ay qabaan dadka soomaaliyeed ee ku nool wadamada waqooyiga yurub oo la xariirta fagaanta goobaha ay u doontaan qaadashada baasaboorka,safiir Cali Fiqi ayaa BBC-da u sheegay in ay ku hawlan yihiin sidii loo dabooli lahaa baahiyaha dadku ay u qabaan adeega baasaboor soomaaliga.
Xigasho:BBCSomali