WARKA Sawirrada Toddobaadka Afrika: 15 illaa 21 January 2021. Abdi Malik January 24, 2021 1 min read Qaar ka mid ah sawirrada xulka ah ee toddobaadkii la soo dhaafay la qaaday ee ku saabsan Afrika. Weeraryahanka u ciyaara Arsenal ee ka soo jeeda Gabon, Pierre-Emerick Aubameyang, oo Isniintii u dabaaldegayay goolkii uu ka dhaliyay Newcastle United.Talaadadii, Dadka Itoobiya ee haysta diinta masiixiyadda ee Orthodox oo u dabaaldegayay munaasabadda Timkat. Dad Itoobiyaan ah oo safaf ku galay magaalada Addis Ababa si ay u dabbaaldegaan.Magaalada Qaahira ee caasimadda Masar, Axaddii waxaa lagu soo bandhigay naxal kumannaan sano ka hor ahayd. Waxaana xilligaas la shaaciyay in la helay waxyaabo dhaqan ah oo qiimo wayn leh. Jimcihii, dad ku sugan bannaanka masaajidka suufiyada Sudaan ee Xamad al-Nile ee Omdurman.Markii ay furmayeen iskuullada Ghana, Isniintii, ka dib 10 bilood oo ay u xirnaayeen ka hortagga cudurka coronavirus.Dhaqaatiir qalab ku xirxiraya nin lagu arkay astaamaha Covid-19, meel u dhow magaalada Pretoria ee South Afrika.Isniintii, Garsooraha ugu sareysa Maxkamadda dastuuriga ee dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Daniele Darlan, waxay sharci ka dhigtay dib u doorashada madaxweyne Faustin-Archange Touadéra. … Iyagoo arrintaas ka jawaabaya, taageerayaashiisa waxay isugu tageen xarunta Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Quluubta Mideysan.Sabtidii hore, Taageerayaasha Yoweri Museveni oo u dabaaldegay in dib loogu doortay xilka madaxweynaha.… Ninka mucaaradka ah ee sida wayn ula loolamay, Bobi Wine, oo sawirkan laga qaaday Jimcihii, wuxuu sheegay in doorashada aysan ahayn mid cadaalad u dhacday. Xigasho:BBCSomali About Author Abdi Malik See author's posts Tags: soomaaliya Continue Reading Previous: Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray Taliska ciiidanka Cirka xoogga Dalka Soomaaliyeed+SawirroNext: Faah Faahin: Dagaal ka socda Deegaanka Bacaadweyne iyo Khasaare la soo sheegayo. Related Stories Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay New York 6 min read LOCAL WARKA Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay New York September 25, 2023 Guddoomiye Sheekh Aadan Oo Soo Xiray Munaasabada Lagu Soo Bandhigaayay Kaarka Aqoonsiga Muwaadinka 4 min read LOCAL WARKA Guddoomiye Sheekh Aadan Oo Soo Xiray Munaasabada Lagu Soo Bandhigaayay Kaarka Aqoonsiga Muwaadinka September 17, 2023 Dalka Somalia Ayaa Loosameeyay Kaarka Aqoonsiga [Identity Card] 3 min read LOCAL WARKA Dalka Somalia Ayaa Loosameeyay Kaarka Aqoonsiga [Identity Card] September 17, 2023