MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay taliska ciidanka cirka xoogga dalka Soomaaliyeed.
kormeerkaan shaqo ee uu Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadd Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ku tagay taliska ciidanka Cirka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Afisooni ayaa ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladda ay ku suganyihiin ciidanka Cirka iyo baahiyaha ay qabaan .
Wasiir Xasan Xuseen Xaaji ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidanka Cirka xogga Soomaaliyeed, waxaana uu ka dhageystay warbixino la xiriirta xaaladda ciidanka Cirka.
Taliyaha ciidanka Cirka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali oo la hadlay warbaahinta ka dib kulamadii ay la qaateen Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa uu sheegay in Taliska ciidanka Cirka ay ku faraxsan yihiin booqashada uu maanta ugu yimid Wasiirka Difaaca.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmamay in ay ka go’antahay tayeenta iyo horumarinta guud ahaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, waxaa uu xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay ku guuleysatay dib-u-habeynta ciidanka.