Bacaadweyn:-Dagaal culus ayaa hada ka socda meel u dhaw Magaalada Bacaadweyn ee gobokka Mudug, waxaana dagaalkan uu u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Mililteriga Soomaaliya oo isku dhinac ah iyo kooxda Al-Shabaab.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii dhowr hoobiye lagu tuuray magaalada Bacadweyn afafkeeda hore, waxaana halka laga soo riday madaafiicdaas ku baxay ciidamada dowladda iyo inta badan dadka magaalada.
Markii ay gaareen halkii laga soo ridayey hobiyeyaasha waxaa dagaal adag kala hor-yimid dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kaas oo hadda ka socda duleedka Bacaadweyn.
Magaalada Bacaadweyn waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Sanetor Cabdi Qeybdiid, isla markaana ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan maamulka Galmudug, kuwaas oo gaaray maalmo ka hor si ay ugu kuur galaan xaalda nololeed ee ka jirta deegaankaas.
Al-Shabaab ayaa marar badan weerarro aysan u kala harin ku qaaday Bacaadweyn, balse dadka deegaanka iyo ciidan tiro yar oo ka tirsan qeybta 21-aad ee militeriga Soomaaliya ayaa uga guuleystay dagaaladii ka dhacay deegaanka.