Dahabku waa calaamad hodonnimo Caalamka oo dhan.(F.S: 1aad).
1. Dahabkii Haweenkii Hore
Haweenkii hore ee Somalida ee Miyi iyo Magaalaba waxa ey xira jireen Dahab Miisaan ahaan culus taya ahaana sareeyo.
waxaan Xasuustaa Hooyadeey AUN iyo Haweenka Tuulada oo Xira jiray Dahab la yiraa Muriyo, oo sida Kuusha dun lgu tixo, oo halkii kuulba laga sameeyn karay wax u dhigno, Katiinada Maanta Gabdhuhu ku xarakoodaan.( F.S: 2-9).
Haweenku uma qaada jirin Xafladaha Aroosyada oo kaliya ee Gurigana waa ku joogi jireen, Goobaha shaqadaan waa ku xira jireen. ( F.S: 10-11).
Waxaa kale oo jiray kuul qaali aheyd oo ilaa maantaba Qiima sare ka joogto Suuqyada Aduunka oo ey xira jireen Hooyooyinkii hore. ( F.S: 12-15aad).
2. Dahabka Haweenka Maanta.
Haddii aan ka soo tagno, Dahabka Bugta ah, kan la soo kireeysto iyo kan Saaxiibda laga soo Ergado, si Arroosyada loogu tago kadibna loogu celiyo Milkiilihii. Waxaa Caado noqotay in Gabadha Arooska ah qoorta loogu xiro Silsilad Dahab ah oo yar, sida kuwa Caruurta, looguna Qoro Xarafka ugu horeeyo Magaceeda oo kaliya, Bacdamaa Xarfaha Magaceeda oo dhan qaali loo arkay, Halka Gabdhihii hore ee Arroska ahaa Qoorta loo suri jiray Dahab, Laga Sameyn karay Magcaha Hooyadeeda iyo Ayeeydeed .( F.S: 16- 19aad).
Gabdhaha Maanta, Waxaa intaa u sii dheer Dhaga dhago aad u yar yar oo lagu qancinayo waa Fashin, Iyada oo la inkirayo in Qiimaha Dahabku uu ku xiran yahay Hadba Tayadiisa iyo Miisaankiisa Dahabka. si loo buuxiyo Miisaankaa yar ayaa Mar mar loogu dhameeystiraa Caag iyo Goowso la leeyahay waa Moodo. Ceebta Alla ha asturo.
Somaliyeey, Mala Fakhriyay? Ma Hablihiyaa Qiima beelay? Ma Dahabkii ayaa qaal noqday? Ma raggii ayaa Bakhiil beenlooba noqday? Adigu ma soo gaartay Labadaan nuuc ee Dahabka Hablaha ah? Sideed u aragtaa?.
Qore: Yahya Amir