ANKARA:-Dowladda Turkiga ayaa dhammaan safaaradaheeda ku yaalla dalalka galbeedka Afrika u dirtay qeylo dhaan lagu badbaadinayo shaqaalaha saaran markan ay burcad badeed kaga afduubatay xeebaha dalka Nayjeeriya.
Ilo ku dhowdhow wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Mevlüt Çavuşoğlu, uu Khadka taleefanka kula xariiray kabtanka afraad ee markabka afduubka loo heysto si uu xog dheeraad ah uga helo falka afduubka ah.
Sidoo kale wasiirka ayaa sidoo kale Khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Azerbeijan Jeyhun Bayramov isaga oo uga tacsiyeeyay geerida mid ka mid ah shaqaalaha markabka afduuban oo ka soo jeeda dalka Azerbeijan.
Wasiirka ayaa ballanqaaday in ay xoojin doonaan dadaaalkooda ku aaddan sidii loo soo badbaadin lahaa shaqaalaha markabka sidoo kalena meydka kan geeriyooday dib loogu celin lahaa dalkiisa hooyo.
Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu soo warramayaa in ay heegan gelisay dhammaan safaaradaheeda ku yaalla Galbeed Afrika oo ay ugu horreyso tan Nayjeeriya si loo sii daayo shaqaalaha ay afduubka u heystaan kooxda burcad badeedka ah.
Shirkadda iska leh markabka ee Boden oo saldhiggeedu yahay magaalada Istanbuul ayaa sheegtay in aanay faahfaahin dheeri ah ka bixineynin dhacdadan iyada oo u tureysa shaqaalaheeda afduuban.
Galinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii ay soo baxeen wararka sheegaya afduub ay koox burcad badeed Nayjeeriyaan ah kula kaceen Markab siday shixnad oo marayay biyaha u dhexeeya gacan Guinea iyo xeebaha dalka Nayjeeriya.
Kooxda burcadda ah ayaa afduubatay 15 kamid ah shaqaalaha markabka halka mid kalena ay qudha ka gooyeen.