Dhusamareeb-Madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan iyo qaar ka mid ah madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay sida Hay’adda Cunada Aduunka ee WFP iyo Barnaamijka Horumarinta ee UNDP.
Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda Galmudug.
Kulanka ayaa looga hadlay qorshayaasha horumarineed ee ka socda Galmudug sida horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, dhismaha iyo dhameystirka dowladaha hoose, arrimaha bini’aadanimada, amniga iyo arrimaha doorashooyinka Dalka.
Ugu danbeyntii, kulanka ayaa ku soo si guul ah ayadoo la isku afgartay wada shaqeyn joogta ah.