Midowga Musharaxiinta ayaa soo saaray qoraal ka kooban labo bog kaasoo si toos ah ugu socotay dalalka Beesha Caalamka, waxayna ugu baaqeen in aan indhaha laga qarsan qaabka ay Dowladda Federalka ku hoggaamineyso doorashada dalka.
Midowga musharixiinta ayaa sheegay in ay ku baaqayaan in sixitaan lagu sameeyo nidaamka doorshada iyo sida hadda wax u socdaan.
“ Golaha midowga musharixiinta waxaa uu soo jeedinayaa in la xaliyo khilaafka siyaasadeed inta aan la guda gelin hannaanka doorashada. Waxaan soo jeedineynaa in la raaco qodobadan:
1.Waxaa deg-deg looga baahanyahay sixida guddiga doorashada, si dhinacyada ugu arkaan mid dhexdhexaad ah oo lagu kalsoonaan karo, golaha waxaa uu diyaariyay liiska dadka ay tahay in liiska laga saaro.
2. Doorashada xubnaha gobolada waqooyi in loo madax bannaaneeyo dadka ka soo jeeda goboladaasi, ayna ka shir deg deg ah ka yaashaan guddoomiyaha aqalka Sarre Cabdi Xaashi iyo odoyaasha ka soo jeeda deegaanadaasi, dowladda Soomaaliya ay faraha kalabaxdo.
2. iyadoo la eegaayo dhammaadka muddada baarlamanka iyo madaxtooyida, xaaladaha amni, mida dhaqaale, goluhu wuxuu soo jeedinayaa in doorashada baarlamaanka labada aqal in hal magaalo lagu qabto halkii laba magaalo lagu qaban lahaa sida ay ku heshiiyeen dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada shirkii 17-September, sababo ammaan dartood.
4.Si aanu imaan firaaq dastoori ah ka hor dhammaadka xilka dowladda 8-feb-2021,Midowga musharaxiinta waxaa ay soo jeedinayaan in shir ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada, musharixiinta xilka madaxweynenimo iyo bulshada rayidka islamarkaana ay kor joogteyso beesha caalamka” ayay yiraahdeen midowga musharixiinta.
Baaqaan ay midowga musharixiinta u direen Beesha Caalamka ayaa ku soo aadaya xilli Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku dhawaaqay in dalku doorasho aaday isla markaasna uusan suuragal aheyn waqti dambe oo shacabka Soomaaliyeed ka luma.
Baaqa Hoos ka akhriso:-