Xili Soomaaliya uu ka jiro khilaaf la xiriira doorashada ayaa madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxaa uu gashaanka u daruuray hadal dhawaan kasoo yeeray maamul-goboleedka Jubaland, afhayeenka aqalka sare iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud.
Xubnahan ayaa sheegay in dhexdhexaadintii uu Qoorqoor ka dhex waday iyaga iyo dowladda federaalka aanay wali wax jawaab ah ka helin, ayna ka warheleen oo keliya hirgelinta doorashada.
“Waan ka xumahay runtii nin dalka soo maamulay inuu warkaas yiraahdo, aniga inaan u jawaabana mas’uuliyadda i saaran ayaa ka weyn. Saaxiibkey madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu yiri warqad nooma soo qorin madaxweyne Axmed Qoorqoor, marka warqad nooma soo qorin baa ku filan iyadana inay tahay warkaasi runtii war aan runtii in la difaaco un keliya loogu talo galay ee aan xaqiiqadii ahayn.
“Maxaa yeelay warqadii horana laguma soo qorin anigana warqad la ii ma soo dhiibin, warqad nooma soo qorinna waa wax la fahmi karo. Waa hadallo iyo jawaabo aan dalka maanta u baahneyn, in aad iyo aad looga fogaado ayay ahayde ma ahay in la yiraahdo tanna waa difaaci kartaa tanna waa difaaci kartaa,”
Madaxweyne Qoorqoor oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa kale oo uu sheegay in wali ay ku hawlan yihiin sidii xal looga gaari lahaa tabashooyinka arrimaha doorashada.
“Qodobbadii tabashada laga qabay sidii aan horay u sheegayba oo aan dhinacyada oo dhan ka soo kulannay markii aan u imid madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, runtii tanaasul iyo waxay ka muujiyeen inay arrimahaad aad iyo aad xil isaga saareen, iyadoo waliba qodobbada qaarkood aan loo fiirineynin heshiiskii inay waafaqsan yihiin iyo in kale, oo uun xalka laga fiirinayay si hufan bay arrintaas noola qaateen, waxaan u gudbinnay dhinacyadii kale oo aan wada hadalka ka soo galnay inay jawaabtooda ka soo bixiyaan”
Maxaa laga yeelayaa Puntland iyo Jubaland?
Dawladda ayaa sheegtay bilowgii toddobaadkan in la bilaabi doono hirgalinta doorashooyinka Soomaaliya iyadoo wali maamullada Puntland iyo Jubaland ka caga jiidayaan inay soo magacaabaan guddiyada doorashada ee deegaannadooda.
War qoraal ah oo dhowaan ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaraha uu kulan la qaatay Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayna isla garteen oo ay go’aansadeen in la guda galo hirgelinta doorashooyinka, si aan wakhti kale looga lumin shacabka Soomaaliyeed.
Hase yeeshee, madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay inaysan jirin doorasho aan laga wada qeyb galeyn oo dalka ka dhacaysa.
“Marna ma maqlin meel lagu sheegay doorasho aan laga qebgaleyn, doorashada waa lagu heshiiyay in laga wada qeybgalaana sax ah, sidii aan hore kuu sheegayna ahddii ay jirto tabashooyin ku saabsan maamulka dooarshada sidii horaba loo sheegay waa in la xalliyo, marka doorasho Puntland iyo Jubaland ka hareen meel lagu yiri ma jirto ama mid ay ka maqan yihiin ma jirto,” ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.
“Dhexdhexaadiyuhu dhexdhexaad ma aha”
Dhanka kale, Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah Midowga Murashaxiinta Madaxweyneyaasha isla markaana kamid ahaa xubnihii la kulmay madaxweynayaasha dawlad goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Qoorqoor inuusan dhexdhexaad ka ahayn howlaha dhexdhexaadinta ee uu wado.
“Runtii madaxweynaha waxaan ka rabnay inuu dhexdhexaadiyo, dhexdhexaadna noqdo, xalayse wuxuu noo sheegay oo marqaati leh inaanu dhexdehxaad ahayn isagu. Marka hadee dhexdhexaadiye aan dhexdhexaad ahayn waxaa dhinac mari kara ama hareer mari kara guusha ama arrinta inay miradhal noqoto. Madaxweyne annagu aan aad u xurmeyneyno madaxweyne Qoorqoor wuxuu inoo sheegay arrinta socota in aanu dhexdhexaad ka ahayn, marka dadka Soomaalida ah ee adduunka jooga waxaan rabnaa inay nala fahmaan dhexdhexaadiye aan dhexdhexaad ahayn marka uu wax dhexdhexaadiyo natiijada ka dhalan karto.”
Madaxweyne Qoorqoor oo arrintaas ka jawaabaya ayaa yiri, “Maya, haddii dhinac ka rarnaanshaha loola jeedo wada shaqeynta dalka in la wada shaqeeyo, dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah ay wada shaqeeyaan waa dastuuri waana danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Waxaan leeyahay waa eedo siyaasadeysan, ama aha eedo xaqiiqda ka tarjumaya.”
Dhanka kale, Cali Cilmi Afyare oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhexdhexaadnimadu aysan ka imaan kooxaha ay arrintu ka dhaxayso ee ay bannaanka ka timaaddo.
“Meeshan cid dhexdhexaadin ah oo dhex taagan ma arki, labo isbahaysi ayaa jirta oo waaweyn, mid madaxweynaha uu hoggaamiyo oo xukumadda iyo baarlamaanka qeyb ka mid ah iyo saddexdaas maamul goboleed ee Koofur-galbeed, iyo Galmudug iyo Hirshabeelle ah, iyo mid kale oo labadaas maamul-goboleed ee Jubaland iyo Puntland iyo mucaaradka.”
Xigasho:BBCSomali